Home Wararka Gudaha Madaxweyne Biixi oo si adag ugu jawaabey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Madaxweyne Biixi oo si adag ugu jawaabey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

113
0

Axad 18-da September 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii uu mareykanka ka sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in uusan taageeri doonin gooni isutaaga Somaliland, madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay kulan ka dhacay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegay in Somaliland tallaao kasta oo ay qaadeyso ay taha mid u madax bannaan, isla markaan dadka Reer Somaliland oo tashaday ay ika xurreeyeen Gumeystihii Ingiriiska 26-kii June sanadkii 1960-kii

Wuxuu sheegay in Somaliland ay marhore ka baxday midwogii ay kula jirtay Soomaaliya markii a ku khasaartay, isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dadka Xamar jooga aan wax laga weeydiineyn arrimaha Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay Madaxweynaha Somaliland in hadalkii Madaxweyne Xasan Sheek uu kordhinayo cadaawada ka dhaxeyso Soomaaliya & Somaliland, sidoo kalena Madaxda dowladda Soomaaliya ay markasta ka qeyb galaan shirka Midowga Afrika oo looga dhaqamo in dal kasta lagu saleeyo wadankiisa xaduudihii Gumeystaha, taasina ay tahay laba wajiilenimo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.