Home Wararka Gudaha Madaxweyne Biixi oo sheegay in dowlada Soomaaliya ay Somaliland ugu hanjabtay dagaal

Madaxweyne Biixi oo sheegay in dowlada Soomaaliya ay Somaliland ugu hanjabtay dagaal

189
0

5 Maarso, (Hargeysa-xog-ogaal) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka jawaabay cambaaraynta ay dowlada Soomaaliya iyo Shiinuhu u jeedinayaan, xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland anay cidna ku qasbi karin waxayna doonayn, isaga oo xukuumada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal ku hanjabtay.

Madaxweynaha ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay dagaal Somaliland kusoo qaado markasta oo ay Somaliland talaabo hore u qaado.

“Waad la socotaan qoladaa aynu isku dowlada ahayn ee Xamar ka talisa, marka Somaliland inyar oo horumar ah gaadhaba dagaalka ugu badan ayay qaadaan” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay Somaliland ugu hanjabtay in ay dagaal ku qaadayso, xidhiidhka ay Taiwan la samaysay awgeed.

“Shalay waad arkayseen saddexda waraysi ee ay isdaba dhigeen, safiirka Washington u jooga warbixintu bixiyay waad maqlaysen, ee ah waanu la dagaalamayna sidaa Ukraine, ayaanu gacan u qaadanynaa waa goosasho” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo ka jawaabay isbahaysiga dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, ay ku doonayaan, in ay ku horistaagaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, ayaa sheegay in Somaliland anay cidina ku qasbi karin waxanay doonayn.

“Wasiirkii arrimaha dibada ayaa isna waxaa Shiinaha kala hadlayay, Shiinuhu isago wasiir ku xigeen koodii socdo ayay noo yimaadeen oo aanu ku nidhi hadana ku leenahay cidina luqunta na qaban mayso, oo waxaanaan doonayn noo tilmaami mayso” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya, ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in ay ku wiiqaan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, oo ah laba jamhuuriyadood oo aan aqoonsi haysan. Xidhiidhkooda oo soo shaacbaxay sannadkii 2020, ayaa ka cadhaysiiyay Shiinaha iyo Soomaaliya, oo labaduba aaminsanyihiin in Somaliland iyo Taiwan ay dalalkooda ka mid yihiin.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.