Home Wararka Gudaha Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo gaaray Magaalada Garowe

Madaxweyne Axmed Madoobe oo soo gaaray Magaalada Garowe

17
0

(Garowe-Xog-ogaal) Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe, waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Madaxweyne Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa inta uu Garowe ku sugan yahay kulamo albaabadu u xiran yihiin oo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la yeelanaya dhiggiisa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Puntland iyo Jubaland oo xulafo siyaasadeed ah kana mideysan mowqifka doorashada federaalka ayaa lagu wadaa in ay si gaar ah uga wada-hadlaan doorashada xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Golaha shacabka ayaa la qorsheeyay in ay dhowaan ka bilaabato dhammaan Dowlad Goboleedyada dalka sida ku cad jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashada heer Federaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here