Home Wararka Gudaha Madaxweyne Ahmed Madoobe oo kulan la qaatay Isimada SSC

Madaxweyne Ahmed Madoobe oo kulan la qaatay Isimada SSC

49
0

Jimce 2-da June 2023, (Muqdisho-xog-ogaal) Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Garaadada SSC ee mudooyinkan ku sugan magaalada Muqdisho, madaxweynaha ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.

Garaadada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka, waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliyay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Wasiiro katirsan Xukuumada iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

   

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.