Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Xasan Sheekh oo la filayo inuu saacadaha soo socda uu ku...

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo la filayo inuu saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo Ra’isul Wasaaraha cusub.

143
0

Isniin 13-ka June 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso  illo Xog-ogaal ah ayaa waxa sheegaya in la filaayo in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqi doono madaxweynaha Soomaaliya Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya,  wararku waxay intaasi ku darayaan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo gabagabeeyay kulamadii iyo la tashiyadii ugu dambeeyay ee uu ugu guur galayay soo magacaabista wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa mashquul xoogan laga dareemayay Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya oo ay buux dhaafinayeen shaqsiyaad kala duwan oo si weyn u doonayo in loo magacaabo xilka Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin rag horay ugu dhex jiray saaxadda siyaasadda iyo kuwa haatan ku cusub siyaasada Soomaaliya, dastuurka dalka Soomaaliya waxaa ku qorneyn in madaxweynaha marka la doorto uu muddo 30 cisho gudahood ku soo magacaabo Ra’isul wasaare, waxaana xusid mudan in Axdi Qarameedkii lagu soo dhisay dowladdii KMG aheyd ee Imbagati uu dhigayay in madaxweynaha 30 cisho gudahood uu kusoo magacaabo Ra’isul Wasaare, taasoo noqotay dhaqan soo jireen ah.

Wararka helaayo waxay intaasi kusii darayaan in Madaxweynaha Soomaaliya uu Ra’isul wasaarahiisa u magacaabi doono saacadaha nagu soo aadan shaqsi kasoo jeeda Maamulada Puntland ama Jubbaland.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.