Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky”Ma lumin karno caasimadda.”

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky”Ma lumin karno caasimadda.”

26
0

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa mar sii horeysay sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayi doonaan inay qabsadaan Kyiv ka hor waaberiga, isagoo uga digay dagaalyahanada qaranka inay feejignaadaan, wuxuuna yiri: “Ma lumin karno caasimadda.”

Mr Zelenskyy ayaa ugu baaqay qaranka inay ilaashadaan,  “Habeenkan wuu ka dhib badnaan doonaa maalinta, magaalooyin badan oo ka mid ah dowlad-goboleedkayaga ayaa la weeraray,” ayuu ku yiri khudbad muuqaal ah.

“Fiiro gaar ah u leh Kyiv – ma waayi karno caasimadda,” ayuu raaciyay.

“Waxaan u soo jeesanayaa difaacyadayada rag iyo dumarba, dhinac walba: Cadowgu habeenkan wuxuu adeegsan doonaa dhammaan cududdiisa si ay u burburiyaan difaaceena si khiyaano, qallafsan oo bini’aadantinimada ka baxsan,” ayuu yiri.

Milateriga Ukraine ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku sheegay Sabtidii in ciidamada Ruushka ay weerareen saldhig ciidan oo ku yaalla Kyiv balse weerarka laga hortagay.

Dhanka kale, wakaaladda Interfax ee Ukraine ayaa sheegtay in askarta Ruushka ay isku dayayeen inay qabtaan mid ka mid ah xarumaha korontada laga dhaliyo ee magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here