Home Wararka Dibadda Madaxweynaha Uganda ‘kuma faraxsana’ dib u gurashada TPLF ee Itoobiya

Madaxweynaha Uganda ‘kuma faraxsana’ dib u gurashada TPLF ee Itoobiya

160
0

(Ugaanda -xog-ogaal) Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaan ku faraxsanayn in Jabhadda Tigray ee Itoobiya (TPLF) ay dib u guranayso, laba bilood ka dib markii ay u soo gudbeen caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa taas oo walaac ku abuurtay beesha caalamka

Isagoo la hadlayay Sudans Post saaka, diblumaasi ka tirsan kooxda TPLF oo ku sugan Maraykanka ayaa sheegay in Museveni uu u sheegay Debretsion Gebremichael inuu aad u diidan yahay go’aanka ay ciidamada TPLF dib ugu gurteen ka dib markii ay guulo ka gaareen ciidamada federaalka Itoobiya.

“Wixii ka dhacay gobolada Canfarta iyo Axmaarada kaliya maahan guuldarada soo gaadhay kooxda TPLF iyo xulafadeeda, balse waxay niyad jab ku tahay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo aan haba yaraatee ku faraxsanayn guulihii iyo horumarkii aanu ka samaynay maamulka dabadhilifka ah ee Abiy Axmed,” ayuu sarkaalku u sheegay Sudan Post isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Museveni iyo wiilkiisa ayaa la rumeysan yahay inay taageersan yihiin Tigreega dagaalka ka wada Itoobiya.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.