Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo maanta ku wajahan dalka Kenya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh oo maanta ku wajahan dalka Kenya

118
0

Khamiis 14-ta July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa maanta oo khamiis ah socdaalkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay ku tagaya dalka Kenya, halkaas oo booqasho labo cisho ah ku joogi doono, madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmidoona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo la filayo inay kawada hadlaan arrimo ku saabsan dib ufurida ganacsiga labada dal iyo xuduudaha.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu tegi doono Magaalada Nairobi, islamarkaana heshiis ku saabsan dib u fasixida khaadka (jaadka) uu la saxiixan doono Uhuru Kenyata, safarkan uu Xasan Sheikh ku tagayo Magaalada Nairobi ayaa noqonaya kii afaraad oo dibadda ah tan iyo markii Madaxweynaha loo doortay bishii May ee sannadkan, tegitaankiisa Madaxweynaha Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa bilow u noqoneysa dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi ku jiray intii uu xilka hayay madaxweyne Farmaajo.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.