Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu kulan miro dhal ah lasoo qaatay dhiggiisa...

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu kulan miro dhal ah lasoo qaatay dhiggiisa Kenya

132
0

Arbaco 14-da September 2022, (Nariobi-xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya William Samoei Ruto ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan lagu sheegay miro dhal oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee dariska ah,  madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u sheegay madaxweyne William Ruto inay dowladdiisa ka go’an tahay in ay heshiis buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in labada Madaxweyne ay isla qaateen qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, madaxt-ooyadu waxay sheegtay in madaxdu isla garteen in la sii amba-qaado heshiisyada fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada.

Warka kasoo baxay madatxooyada Soomaaliya ayaa kusoo aaday saacado kadib markii madaxtooyada dalka Kenya ay sheegtay inay labada madaxweyne kawada hadleen arrimaha amniga iyo ganacsiga Qaadka Miirawga.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.