Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

70
0

Sabti 24-ta September 2022, (New York-xog-ogaal) Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Xogahayaha Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay gargaarka degdegga ah ee abaaraha iyo mashaariicda hormarineed ee laga fulinayo dalka, madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasilloonida dalka, waxa uuna la wadaagay Xoghayaha Qaramada Mideoobey, halganka isku dhafka ah ee ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay wadaan ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres  ayaa soo dhaweeyey aragtida Madaxweynaha ee la xiriirta dib u qaabeynta mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan dalka, waxa uuna tilmaamay in talooyinka iyo soo-jeedinta Madaxweynaha ay ku saleynayaan qorshahooda, sidoo kalena ay dardar gelinayaan doorka Beesha Caalamka ee gurmadka abaaraha.

António Guterres ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta hannaanka dhaqaalaha, deyn cafinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xal u helidda duruufaha soo laalaabtay oo ay ka mid tahay abaaraha iyo fataahadaha, ugu danbeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.