Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka

130
0

Sabti 17-da September 2022, (Washiton-xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo boqasho rasmi ah ku jooga waddanka Mareykanka ayaa la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo  ku xigeenka xoghayaha Victoria Nuland, xoghaye Blinken ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh ay ka wadahadleen xassilloonida, maamul wanaagga iyo hiigsiga arrimaha bini’aadanimada.

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu dadka Soomaaliyeed ka caawiyo la dagaallanka argagixisada, ka hortagga macluusha, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo badbaadinta nolosha” ayuu Blinken ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gooni-gooni ah la yeeshay saraakiisha sare sare ee Mareykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoghayaha difaaca, la taliyaha amniga qaranka iyo madaxda waaxda maaliyadda Mareykanka.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.