Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxda Galmudug iyo saraakiisha ciidanka

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay madaxda Galmudug iyo saraakiisha ciidanka

128
0

Axad 20-ka November 2022,(Muqdisho-Xog-ogaal) Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safaro ku tagay deegaano ka kala tirsan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa ku hoyday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, madaxweyne Xasan ayaa kulamo looga hadlaayay dardargelinta dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab madaxtooyada maamulka Galmudug kula qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ku xigeenkiisa iyo saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlaayay fagaareyaal ku yaala Maxaas, Baxdo iyo Wisil oo ka kala tirsan Hiiraan Galgaduud iyo Mudug ayaa sheegay in dowladda fedaraalka Soomaaliya inay diyaarisay qorshe adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo dagmooyinka dadkoodu ay iska dulqaadeen Al-shabaab, safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta la filayo inuu madaxweyne Xasan Sheekh uu gaaro magaalada baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu wado inuu kulamo kula qaato madaxda maamulka Hirshabelle oo qaarkood gaaray Baledweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer B/weyne.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.