Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay jaaliyadda Somaaliyeed ee dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay jaaliyadda Somaaliyeed ee dalka Turkiga

110
0

Talaado 5-ta July 2022, (Ankara-xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladdiisa ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal, madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay u sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkan, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga, mada-xweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaasiyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, ayaa warbixin kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Halkaan ka daawo sawiradda kulan jaaliyada iyo Madaxweynaha

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.