Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Somaliland: Walaalaheen Soomaaliya waxaan leeyahay aynu kala gar baxno

Madaxweynaha Somaliland: Walaalaheen Soomaaliya waxaan leeyahay aynu kala gar baxno

148
0

Axad 26-da June 2022, (Hargeysa-Xog-ogaal) Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay Somaliland ka garbaxdo oo aysan keliya afmacaan kula hadal, Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay xuska munaasinadda maalinta xoriyadda Somaliland ee  26 Juun oo ka qabsoontay qasriga madaxtooyada ayaa sheegay in loo baahanyahay in Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ay gar dhigtaan.

“Dowlada cusub ee ay dhisanayaan, iyo ninkaa odayga ah ee wadahadaladeena iyo aynu xogogaal badan u tirinayno, ee madaxweynaha ah iyo hadalkaa wanaagsan ee mar walba yidhaahdaan walaalahayaga Somaliland waanu wanaajinaynaa, waar hana wanaajinine aynu kala garbaxno ayaan leeyahay” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hakad galay in muddo ah, iyada oo xukuumada Somaliland ay dowlda Soomaaliya ku eedeeysay in anay daacad ka ahayn ka midhodhalinta wadahadalada, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo horay woxogaa horumar ah uga sameeyay wadahadalada wakhtigii hore ee uu talada hayey ayaa laga rajaynayaa in uu dib u ambaqaado wadahadaladii.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.