Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Ergada dhex-dhexaadinta

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Ergada dhex-dhexaadinta

143
0

Talaado 21-ka June 2022, (Hargeisa-xog-ogaal) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu maanta la kulmay ergadii iskood isku xilqaamay ee ku howlanaa sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen xukuumadda iyo asxaabta mucaaradka, ergadan ku howlan xal u helidda arrimaha siyaasadeed ee cakiran ee Somaliland ayaa hore waxa ay ula kulmeen madaxda mucaaradka.

Ergadan waxa ay sheegeen inay qaadeen tallaaba muhiim ah oo ay dhinacyadu isugu soo dhawaynayaan, hasayeeshee qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Golaha Guurtida ay sharci ahaan Somaliland u qaabilsayihiin xallinta khilaafka, iyagana ay tahay in laga war-sugo qaabka loo galayo hawsha.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.