Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Puntland oo qarax lagula eegtay afaafka hore ee Boosaaso

Madaxweynaha Puntland oo qarax lagula eegtay afaafka hore ee Boosaaso

188
0

(Boosaaso-xog-ogaal) Gaadiid gelbinayay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qarax lagula eegtay afaafka hore ee Magaalada Boosaaso.

Qaraxa oo ahaa miino waddada dhinaceeda la dhigay ayaa la sheegay in uu haleelay mid ka mida gaadiidkii ay saarnaayeen ilaalada Madaxweynaha, waxaana la xaqiijiyay in laba askari ku dhimatay, afar kalena ay ku dhaawacantay.

Madaxweynaha oo sii watay safarkiisii dhinaca dhulka ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa magaaladaasi u tagey arrimo ugu muhiimsan doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan lagu wado inay ka bilaabato magaaladaasi.

Boosaaso oo ah deegaan doorashada 2aad ee Puntland ayaa waxaa yaala 16 kursi, oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo dooranayo Puntland.

Safarka Deni ee Magaalada Boosaaso ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay qaraxyada ku soo badanayeen magaaladaasi.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.