Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Puntland oo ballanqaaday in uu hirgelinayo Doorasho Qof iyo cod ah

Madaxweynaha Puntland oo ballanqaaday in uu hirgelinayo Doorasho Qof iyo cod ah

148
0

Arbaco 15-ta June 2022, (Garoowe-xog-ogaal) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad dhinacya kala duwan taabanaysa ka jeediyay Kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka Puntland oo maanta furmay, madaxweyne Deni ayaa khudbaddiisa ku ballan-qaaday in uu dhammaystiri doono barnaamijka xisbiyada badan ee doorashooyinka qof iyo cod oo horay looga qabtay saddex degmo oo kamid ah Puntland.

“Waxaan hortiina ka ballan-qaadayaa in ay iga go’antahay hirgelin doorasho qof iyo cod ah” ayuu yiri  Madaxweyne Siciid Deni, madaxweynaha Puntland ayaa dhinaca kale ka hadlay waxqabadkii xukuumaddiisa mudadii u dhexaysay labada kal-fadhi iyo arrimaha la xiriira xaaladda Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.