Home Wararka Gudaha Madaxweynaha oo xilka ka qaaday mid ka mid ah kuxigeenadii ugu awoodda...

Madaxweynaha oo xilka ka qaaday mid ka mid ah kuxigeenadii ugu awoodda badnaa G/Banaadir….

443
0

(Mogadishu-Xog-ogaal) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan ayaa waxaa xilka looga qaaday Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur, oo ahaa kuxigeenadii ugu awoodda badnaa ee Gobolka Banaadir .

“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 23ka May, 2019.

Wararka ayaa sheegaya in xil ka qaadista iyo magacaabida ay qeyb ka tahay is bedelo ku soo socda Gobolka Banaadir oo muddooyinkii u dambeeyay la hadal hayay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mudadii labada sano ee uu xilka hayay labo jeer magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, iyo dhamaan kuxigeenadiisa, waxaana dad badan is weydiinayaan saldhigasho la’aanta Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday xilalkii Wasiirada iyo Taliyeyaasha ciidan ee sida is-daba jooga is bedelada ugu dhacayay.

Halkan hoose ka akhriso taariikhda Guddoomiye kuxigeenka cusub ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir:-

Sida ku cad taariikh nololeedkiisa Mudane Ibraahim Dheere wuxuu ku dhashay magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1975-kii.

Waxbarasha Hoose iyo Dhexe wuxuu ku qaatay Dugsiga Axmed Warsame ee isla Beledweyne, waxbarasha ka horreysa heerka Jaamacadda ee u dhiganta Dugsi Sare wuxuu ka dhigtay dalka Holland, Shahaadada 1aad ee Jaamacadda wuxuu ku diyaariyay Culuumta Maamulka iyo Xisaabaadka, wuxuu lasoo shaqeeyay Hay’adda UNPOS, isagoona la-taliye kasoo noqday Unuggii Siyaasadda ee Villa Soomaaliya intii u dhaxeysay 2013-2015).

Xog-ogaal Newspaper 

Xafiska-Mogadishu 

xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here