Home Wararka Dibadda Madaxweynaha Maraykanka oo ansixiyey in Israel hub laga iibiyo

Madaxweynaha Maraykanka oo ansixiyey in Israel hub laga iibiyo

231
0

Inkasta oo Maraykanku mar labaad horjoogsaday bayaan Golaha Ammaanku soo saari lahaa oo ku baaqayey in colaadda la joojiyo, ayaa madaxweynaha Maraykanka Joe Biden sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin siddeed maalmood oo ay colaadi ku dhex maraysay Qasa Israel iyo ururada Falastiiniyiinta ah.

Biden ayaa ku wargeliyey ra’isal wasaaraha Israel Benjamin Netenyahu in Maraykanku kala shaqaynayo Masar iyo dawlado kale sidii loo joojin lahaa colaadda.

Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Aqalka Cad Biden “wuxuu ku tirtirsiyey Israel in ay intii suurto gal ah ku dedaasho in ay ilaaliso rayidka aan waxba geysan”.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in Biden “sheegay inuu taageersan yahay xabbad joojin oo uu kala hadlay in Maraykanka, Masar iyo dalal kale ay ka wada shaqaynayaan sidii yoolkaa loo gaadhi lahaa”.

Iyadoo ay sidaas tahay ayaa haddana uu Biden ansixiyey heshiis Israel lagaga iibinayo hub oo qiimihiisu dhan yahay 735 milyan oo doolar.

Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.