Home Wararka Gudaha Madaxweynaha maamulka Galmudug oo maanta furay kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo maanta furay kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka

127
0

Isniin 1-da August 2022,(Dh/mareeb-Xog-ogaal) Madaxweynaha maamulma Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa furay kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka Galmudug oo ka furmay xarunta baarlamaanka ee magaalada Dhuusamarreeb, madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo ay ugu horeyso saameynta abaaraha, guulaha laga gaaray dhanka amniga, dhismaha dowladaha hoose, dhaqaalaha, adeega bulshada iyo mashaariicda horumarineed.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale u mahad celiyay baarlamaanka Galmudug iyo howlihii ay soo qabteen afartii kalfadhi ee hore, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo howlo qorsheedka horyaala kalfadhigan shanaad ee baarlamaanka, ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u furay kalfadhiga 5aad ee baarlamaanka dowladd goboleedka Galmudug.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.