Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Laftagareen oo La Kulmay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Laftagareen oo La Kulmay Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay

146
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kula kulmay magaalada Muqdisho Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Laftagareen iyo Swan waxa ay diiradda ku saareen kulankooda Doorashooyinka, Xaqiijinta Amniga Goobaha lagu qabanayo, Shacabka Somaliland ay ka masaafurisay Gobolka Sool Horraantii October 2021 iyo Dhexdhexaadinta Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo RW Rooble.

Madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa sheegtay in James Swan uu Cabdicasiis Laftagareen uga mahad celiyay kaalinta uu ka qaatay soo afjaridda Khilaafka soo kala dhex galay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Cabdicasiis Laftagareen Madaxweynaha Koofur Galbeed waxa uu Saaxiibada Beesha Caalamka ku bogaadiyay go’aanka ay ka qaateen khilaafka Rooble iyo Farmaajo, soo jeedintooda ah in wadahadal lagu dhammeeyo iyo dedaallada ay ku bixiyeen.

Wakiilka Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa Madaxweynaha Koofur Galbeed ka dalbaday in Dowlad-Goboleedkiisa uu dadejiyo Doorashada Golaha Shacabka.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.