Axad 31-da July 2022, (Baydhabo-Xog-ogaal) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa aqalka madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wafdiga James Swan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka wakiilka UNHCR, waxaana kulan ay yeesheeen uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta aminiga, abaaraha, la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada iyo hirgelinta mashaariic hormarineed.
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa madaxda Koonfur galbeed uga tacsiyadeeyay mas’uuliyiintii lagu dilay qaraxyadaii ka dhacay Baydabo & marko, wuxuuna sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeeysa iyo taageerda ay siiyaan, dhankiisa madaxweynaha koonfur galbeed ayaa uga mahad celiyay taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay inay kordhiyaan mashaariicda Qaramada Midoobay ka fuliso degaanada Koonfur galbeed.
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa wada booqasho uu ku tagayo degaanada dowlad goboleedyada, waxaana uu tagay magaalada Dhuusamareeb, iyada oo la filayo in dhawaan deegaanada kale ee dowlad goboleedyada uu tago.