Axad 20-ka November 2022,(Baydhabo-Xog-ogaal) Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed C/casiis Lafta gareen ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta ee uu ku baaqay guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Aadan Madoobe, warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa lagu sheegay, in madaxweynuhu isagoo tixgalinaya danaha Koonfur galbeed uu aqbalay baaqa guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.
Madaxweyne Lafta gareen wuxuu sheegay inuu soo gudbindoono waqtiga uu shirku furmidoono, doorashadii xildhibaannada labada aqal iyo qalaalasihii ka dhashay doorashadii uu ku yimid madaxweyne Lafta gareen ayaa Koonfur galbeed dhaxal siisay kala qeybsanaan siyaasadeed oo weyn, Lafta gareen ayaa siyaasiyiin muddo dheer ku fadhiyey kuraasta barlamaanka aqalka hoose, meesha ka saaray, isagoo ku soo beddelay wajiyo ku cusub siyaasadda.
Taas waxay keentay in maamulku uu yeesho mucaarad xooggan oo ku doodaya in doorashada madaxweynaha Koonfur galbeed ay dhacdo December sanadkan, halka barlamaanka Koonfur galbeed uu hal sano u kordhiyay madaxweyene Lafta gareen.