Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo QM kala hadlay Arrimaha Abaaraha

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo QM kala hadlay Arrimaha Abaaraha

183
0

Talaado 29-ka Maarso, (Baydhabo-xog-ogaal) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren ayaa Xafiiskiisa Magaalada Baydhabo ku qaabilay Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan,kulan Saacado qaatay oo ay yeesheen Wafdiga iyo Madaxweynaha waxay uga wada hadleen Arrimaha Abaaraha ,Biya la’aanta , Xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatalul qowlka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Wafdiga ka socday qaramada Midoobay uga mahad celiyay boiqashada ay ugu yimaadeen, isaga oo sheegay inay si dhow ula Shaqeyn doonaan si ay ugu fududaan howlaha ay u tageen Magaalada Baydhabo, wafdiga ay hoggaamineyso  Khabiirka Madaxa Bannaan ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya Isha Dyfan ayaa horay ula kulmay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya, waxaana la filayaa inay tagaan Gobolada kale ee dalka si ay ula kulmaan Madaxda dowlad Goboleedyada.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.