Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta ku wajahan Kismaayo

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Maanta ku wajahan Kismaayo

133
0

(Kismaayo-Xog-ogaal) Maanta ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed laftagareen uu safarkii ugu horreeyoayay ku  tago Magaalada Kismaayo ee Xarunta kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu sheegay arrimo la xiriira doorashooyinka socda, iyada oo dhawaan Maamulka Jubbaland uu bilaabayo doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, iyadoo la sheegayo in labada dhinac is dhaafsanayaan dano kala duwan oo isaga xiran, gaar ahaan kuraas Xildhibaan oo rag aad ugu dhow labada Madaxweyne ay u rabaan, kuwaasoo kuraastooda taal Kismaayo iyo Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa sidoo kale waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qaar kamid ah Golaha Wasiirada Jubbaland.

crackthunder.com

fullwarezcracks.com

techiedownloads.com

usecrack.com

imagerocket.net

techbytecode.com

pspdev.org

takwin.info

in-kahoot.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.