Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay Nin loo qabtay qarixii ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay Nin loo qabtay qarixii ka dhacay Baydhabo

150
0

Talaado 2-da August 2022, (Baydhabo-xog-ogaal)  Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in laamaha amniga Mamulkaas ay gacanta ku dhigeen qof kamid ah dadkii geystay qaraxii dhawaan lagu dilay wasiirkii Wasaaradda Cadaaladda, kaas oo ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha oo la hadlayay Idaacadda Bbc-da wuxuu sheegay in dhawaan ay rajeeynayaan in dadkii soo abaabulay qaraxaas ee ka tirsan Ururka Al-Shabaab dhammaantood ay gacanta kusoo dhigaan, si sharciga loo marsiiyo.

” Qaraxyada ka dhacaya Koonfur galbeed, waa mid ay  Al-Shabaab ugu talo galeen inay indhaha kaga jeediyaan howlgalka ay ka wadaan dowlad deegaanka Soomaalida ayuu yiri” Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ay wadaan qorshooyin wax looga qabanayo qarayxada, Isla markaana ay soo saari doonaan go’aano looga hortagayo, wuxuuna faray laamaha Amniga Koonfur Galbeed inay siweyn u dar dar geliyaan howlaha lagu sugayo Amniga.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.