Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Koonfur galbeed oo diiday in shirka madaxda dowladda federaalka ah iyo...

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo diiday in shirka madaxda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada in lagu qabto magaalada Muqdisho

115
0

Khamiis 1-da September 2022, (Baydhbo-Xog-ogaal) Madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa inay shir isugu yimaadaan dhowaan, kaasi oo ka dhici doona magaalada Garoowe,waxaana sida uu qorshuhu ahaa shirkaas la doonayey in lagu qabto magaalada Muqdisho, hase yeeshee uu diiday madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen inuu yimaado caasimadda.

Ilo-wareedyo ku dhow Laftagareen ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfur galbeed uu sheegay in hadda aanu dooneynin in ka qeybgalo shir ay yeelanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa Maamul goboleeyada, isaga oo sida la sheegay in faah faahin bixin, Laftagareen ayaa la rumaysan yahay inuu weli aad uga caraysan yahay in dowladda federaalka ay xil wasiir u magacowday Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, taasi oo la sheegay inuu u fasirtay in dagaalkiisa loo soo bareeray,isaga oo sidoo kale u arkay in muqdisho ay xarun weyn u noqotay siyaasiyiin uu u arko inay mucaaradsan yihiin maamulkiisa.

Dhinaca kale wixii ka dambeeyay magacaabista Roobow, Laftagareen ayaa xiriir dhow la sameystay dowladda Itoobiya oo sidoo kale aysan isku fiicneyn dowladda federaalka, isaga oo tegay Addis-Ababa iyo Jigjiga, sidoo kalena saraakiil Itoobiyaan ah ku qaabilay Magaalada Baydhabo, shirka ka dhacaya Garoowe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh doonayaa inuu isaga xaliyo madmadowga kala dhaxeeya madaxda maamulada, iyada oo wararku ay sheegayaan in madaxweynaha aanu xilliga diyaar u ahayn khilaaf iyo dagaal siyaasadeed, maadaama uu doonayo in si midaysan loo qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Maamul goboleedyada ayaa ontooda badan u muuqda inay dagaal siyaasadeed u bareereen kadib markii ay qaadeen tallaabo ay xiriirka iyo wadahsaqeynta ugu jareen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka oo ay ku eedeeyeen inay ka baxday heshiisyo horey loo gaaray, maamullada ayaa la sheegay inay dib uga gurteen madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii ay ka gadoodeen hanaankii loo maareeyey dhismaha xukuumadda iyo magacaabista xilalka sare ee muhiimka ah, iyaga oo doonayey markii hore in iyaga lagala tashado.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.