Jimce 5-ta August 2022,(Addis Ababa-Xog-ogaal) Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, isaga oo casuumaad ka helay madaxda dalkaas, inkastoo aan weli la shaacin waxyaabaha uu Lafta gareen kala hadli doono madaxda Itoobiya ayaa haddana safarkiisa waxa uu ku soo aaday xilli xaduuda Koonfur galbeed ay la wadaagto dowlad deegaanka Soomaalida ay weeraro ka bilaabeen todobaadyo ka hor Al-shabab.
Xogaha la helay ayaa sheegaya in casuumaada ay dowladda Itoobiya u fidisay Madaxweynaha Koonfur gabeed ay qeyb ka taha tallaabada ay ku dooneyso inay ku lug yeelato gobolka iyo inay isaga difaacdo dowladda federaalka Soomaaliya haddii uu khilaaf yimaado, safarka uu madaxweynaha Koonfur galbeed ku tagay Itoobiya ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli dhawaan Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku dhawaaqay gole Wasiiro oo uu ka mid yahay Mukhtaar Roobow oo dowladda Itoobiya ugu jira liiska waxa loogu yeero argagixisada.