Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Jabuuti oo dhex-dhexaadin ka sameeyay xiisada Magaalada Laas-Caanood

Madaxweynaha Jabuuti oo dhex-dhexaadin ka sameeyay xiisada Magaalada Laas-Caanood

77
0

Khamiis 2-da January 2023, (Muqdisho-xog-ogaal) Urur goboleedka IGAD ayaa madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku amaanay, dadaalo dhexdhexaadineed oo uu ka wado xiisada ka taagan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, war kasoo baxay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu, ayaa lagu sheegay in xiisada Laascaanood ay ka urur ahaan  ku abuurtay walaac, loona baahan yahay in xal nabadeed si looga gaaro fiiro gaar ah loo yeesho.

” Waxaanu soo qaadanayna xiisada ka dhawaanahan ka jirtay Laascaanood, taasi oo walaac abuurtay, marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay, xaalada Somaliland waxay u baahan tahay in fiiro gaar ah oo ku aadan heshiis nabadeed laga yeesho” ayuu yiri Gebeyehu, sidoo kale Xoghayaha ayaa bogaadiyay dadaalo dhexdhexaadin ah oo uu madaxweynaha Jabuuti ka wado xiisada Laascaanood, waxaanu sheegay in ururku uu Geelle ku dhiirigalinayo in uu sii wado dhexdhexaadinta.

“Hada IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yiri Gebeyehu, todobaadyo ka hor Magaalada laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxeeysay Ciidamada Somaliland iyo dadka shacabka ka ah ee ka careysnaa dilalka ka dhaca magalada, balse daka Shacabka oo kaashanaya Maleeshiyo beeleed ay Magaalada kala wareegeen Ciidamada Somaliland.

Sidoo kale Magaalada laas-Caanood waxaa ka socda shir ay leeyihiin salaadiinta dhaqanka ee gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn, kaas oo looga hadlayo masiirka siyaasadeed ee bulshada deegaanadan dagta uga socda isla magaalada.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.