Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka, Amb. Francisco Madeira.
Labada dhinac ayaa kulanka kaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga deegaanada Hirshabelle, la dagaalanka kooxaha argagixisada, saameynta fatahaadaha iyo doorashooynka dalka.
“Madaxweynaha iyo Ambassador Madeira ayaa Kulankan uga hadlay amniga guud ee deegaanada Hirshabelle, qorshaha la dagaalanka argagixisada iyo sidii loo samayn lahaa hawlgalo ka dhan ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka, saameynta fatahaadaha iyo doorka Midowga Afrika dhanka horumarinta.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Hirshabelle.