Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gaaray Degmada Cadalle

Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gaaray Degmada Cadalle

125
0

Isniin 10-ka October 2022, (Cadalle-xog-ogaal) Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Degmada Cadale Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka dalka looga xureeynayo kooxda Al-shabaab ee  hormuud u noqdaan  karto shacabka Gobolkaan isagoo xusay in deegaano badan oo dalka ah laga xureeyay kooxaha argagixisada, madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saraakiisha iyo bulshada degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.