Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Galmudug & Xildhibaano kusii jeeda Baydhabo

Madaxweynaha Galmudug & Xildhibaano kusii jeeda Baydhabo

23
0

Jimce 8-da April 2022, (Baydhabo-xog-ogaal) Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay inay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor).

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano katirsan labada Aqal ayaa waxaa uu ujeedkooda uu yahay inay wada-hadallo la furaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay sheegay in uu  tabasho ka qabo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaannada la socda ayaa kulamo looga hadlayo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Madaxweyne laftagareen iyo Ra’iisul Wasaaraha la qaadan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo diiday in Xildhibaannada laga soo doortay Maamulkaas inay qaataan Shahaadada Xildhibaannimo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shalay isaga oo hadlayay wuxuu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu doonayay in uu u dhigto Isbaaro Siyaasadeed balse uu ka diiday.

Khilaafka Ra’iisul Wasaaraha & Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa salka ku haaya Saddex kursi oo Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay hakiyeen, kuwaas oo degaan doorashadoodu ay tahay Koonfur Galbeed, balse Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka dambeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here