Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir

236
0

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo xubno ka mid ah wafdi uu hoggaaminayay oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Cabdiraxmaan CabdiShakuur hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa bartiisa Facebook ku soo daabacay in ay ka wadahadleen Madaxweyne Qoorqoor arrimo ay ka mid yihiin xaalada guud ee Galmudug iyo waxyaabihii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb.

“Waxaan kulan saacado badan qaatay aniga iyo wafdigayga la qaadanay Madaxweynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye. Kulanka ayaan diirada ku saarnay xaaladda Galmudug, tan Soomaaliya iyo guulihii shirarkii Dhuusmarreeb. Waxaan madaxweynaha isla garanay kaalinta Galmudug ee geedi socodka dhismaha nabadda iyo dawladnimada Soomaaliya. Waxaan mar kale madaxweynaha ugu mahadcelinayaa soo dhowaynta milgaha leh ee uu inoo fidiyey aniga wafdigaygaba” ayuu ku yiri qoraalkiisa Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Waxaa sidoo kale ay labada mas’uul kawada hadleen geeddi socodka nabadda ee Maamulka Galmudug iyo guud ahaanba dalka oo idil, iyadoo CC Shakuur uu ka mahad celisay qaabkii uu Qoor qoor isugu dayay in Dhuusamareeb uu shir ugu qabto Madaxda Dowladda Dhexe iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa inta uu booqashada ku joogo magaalada Dhuusamareeb waxa uu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.