Home Wararka Gudaha Madaxweynaha Galmudug oo jawaab Cajiib ah ka bixiyay hadalkii Farmaajo…

Madaxweynaha Galmudug oo jawaab Cajiib ah ka bixiyay hadalkii Farmaajo…

379
0

(Nairobi-Xog-ogaal)-Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xaaf ku tilmaamay inuu diiday qaadashada Daawada xalka u aheyd Galmudug, taasi oo aheyd in waqti kordhinta uu doonayo uu kala tashada shacabka deegaanada Galmudug, islamarkaana ay iyaga u ogolaadaan.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad u sheegay inaysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameeyaan madaxda maamul goboleedyada iyo madaxda dowladda Soomaaliya, taasi oo keentay in lagu kala tago shirkii magaalada Garowe.

Madaxweyne Xaaf oo ka jawaabayay hadalkii madaxweyne Farmaajo isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu weydiistay Hub, balse uu ugu jawaabay “Ma Caabudwaaq ayaad ku weerari rabtaa” sida uu sheegay Xaaf.

Madaxwayne Xaaf ayaa halkaasi ka jeediyay Hadalo Dhinacyo badan Taabanayay isagoona walaac ka muuniyay in Dowladda soomaaliya ay ku socoto Wadadii Bur burka, sida uu hadalka u dhigay.

Dhankale Madaxwayne Xaaf ayaa ku eedeeyay Hoggaanka Dowladda Soomaaliya in ay Dhibaatooyin Hor leh ka wadaan Deegaanada Maamulada Jubbaland iyo Galmudug, taasi oo caqabad kale noqon doonto.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso masuuliyadda dhibaatooyinka ka dhaca deegaanada maamuladaasi.

Xog-ogaal Newspaper
Xafiiska Moqdishu
Xog_ogaal@live.com

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.