Talaado 12-ka July 2022, (Dh/mareeb-xog-ogaal) Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in dadka kunool degmooyinka iyo degaannada Galmudug ay isugu darsameen Abaaro iyo amni darro, waxaa uu sheegay in sigaar ah dadka kunool degmooyinka Wisil iyo Baxdo ay heystaan dhibaatooyin ka dhashay Abaaraha iyo kuwo ay sababeen weerarada ay degmooyinkaas kusoo qaadaan Ururka Al-Shabaab.
Isaga oo sii hadalayay ayuu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaari (Qoor Qoor ) ugu baaqay Hay’adaha Caalmaiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaartu ku saameeysay degmooyinka Baxdo iyo Wisil iyo degaannada hoostaga, hadalkaan ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaari (Qoor Qoor ) waxaa uu ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweeynayay oo lagu qabtay degmada Wisil ee Gobolka Mudug taas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kala duwan.