Home Wararka Dibadda Madaxweynaha dalka Aljeeriya oo is casilay iyo dabaal degyo ka bilowday dalkaasi

Madaxweynaha dalka Aljeeriya oo is casilay iyo dabaal degyo ka bilowday dalkaasi

453
0

(Aljaris-Xog-ogaal) Madaxweynihii Aljeeriya Abdiaziz Buteflika ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka Madaxweynenimo oo uu soo hayay 20-kii sano ee la soo dhaafay, sida uu shaaciyay TV-ga dowladda Buteflika ayaa isaga haray doorashada madaxtinimo ee la filayo iney dhacdo 28-ka bishan April, isagoo hore u shaaciyay inuu doonayo inuu xilka qabto markiisii 5-aad.

Magaalooyinka waa weyn ee dalka Algeria waxaa durba is qabasaday banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayeen dadka diidanaa inuu xukunka sii hayo 82 sano jirkan ah muddooyinkan fagaarayaasha aan ka soo muuqan, kaas oo ku socda gawaarida dadka lixaadkooda aan dhameystirneyn.

Go’aankan waxa uu daba socdaa todobaadyo mudaharaadyo waaweyn oo qaarkood ay rabshado wateen oo lagu doonayay inuu tartanka isaga haro madaxweynaha, iyadoo taliyaha guud ee ciidanka ALgeria hore u sheegay in Odaygan uusan xafiiska sii fadhin Karin, Abidaziz Buteflika ayaa Algeria hogaaminaayey tan iyo 1991 ayaa laga dayrinayay waayadanba xaaladiis caafmaad oo dhaqaatiir wadankaasi in mudaa la tacaalayeen xaaladiisa caafmaad.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.