Talaado 19-ka July 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa ka hadlay shaqaaqadii dhawaan garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ku dhexmartay Ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland, taas oo sabab u aheyd safar ay halkaasi ku tageysay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka iyo qarixii Maalin ka hor ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle, afhayeenka oo Warbaahinta kula hadlay Gudaha Madaxtooyada ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin wixii ka dhacay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso, isla markaana ay tahay wax laga xumaado in xilligaan dhacdooyinkaas oo kale ay ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Afhayeenka oo Wariyeyaashu su’aalo ka weeydiiyeen dhacdadii ka dhacday magaalada boosaaso ayuu kusoo kooban inay muiim tahay in Madaxda sare e dowlad Goboleedka Puntland wax lag weeydiiyo, dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo sii hadlayay ayaa cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee Maalin ka hor lagu weeraray Hotel kuyaalla Magaalada Jowhar oo ay degan yihiin mas’uuliyiin katirsan Mamulka Hir-Shabeelle, afhayeenka ayaa u tacsiyadeeyay dadkii qaraxaasi ku dhintay, isaga oo caafimaad u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay, isaga oo sheegay in madaxtooyada Soomaaliya aad uga xun tahay weerarkaasi qaraxa ah oo ay geysteen Ururka Al-Shabaab.