Home Wararka Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya oo faahfaahisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxtooyada Soomaaliya oo faahfaahisay xaaladda caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh

170
0

Isniin 27-da June 2022,(Muqdisho-Xog-ogaal) Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya C/kariin Cali Kaar ayaa ka hadlay xaaladda caafimaad ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, todobaadka xorriyadda iyo gurmadka abaaraha, afhayeenka oo shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay gudaha madaxtooyada ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ku dhacay cudurka Covid-19 ay tahay mid wanaagsan, isla markaana tan iyo markii laga helay uusan jirin wax saameyn muuqato ah oo uu ku yeeshay caafimaadkiisa.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inuu Madaxweynaha si cadi ah u wato howlihiisa, isaga oo raacaya talooyinka iyo habraacad caafimaad oo ay dejiyeen bahada caafimaadka, kuwaas oo la xiriira tallooyinka cudurka Covid-19, isla markaana Shacabka uga mahad celiyay ducadii uu ka helay, afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya wuxuu sheegay in maanta Madaxweynaha laga qaadi doono baaritaan caafimaad si loo hubiyo xaaladiisa caafimaada maadaama muddo dhowr maalmood ah ay kasoo wareegatay markii laga helay cudurka Covid-19.

Ugu dambeyn afhayeenka waxaa uu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maamuud uu khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo ugu hambalyeeyay sanad guuradii 45-aad oo ah markii ay xornimada dowladda Jabuuti ka qaadatay dowladda Faransiiska.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.