Home Wararka Gudaha Madaxda Maamul goboleedyada oo ka soo horjeestay golaha wasiirada cusub iyo...

Madaxda Maamul goboleedyada oo ka soo horjeestay golaha wasiirada cusub iyo Sababta Ka dambeysa…

149
0

Khamiis 4-ta August 2022, (Mogadishu-xog-ogaal) Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ee uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, sida la ogaaday, madaxda maamul goboleedyada oo inta badan soo dhoweyn jiray ama hambalyeyn jiray isbeddelada siyaasadeed ee waa weyn ee ka dhaca dalka , ayaa illaa hadda ka aamusan magacaabista golaha wasiirada, taasi oo sida aan xog ku helnay, astaan u ah qanaaco la’aantooda.

warar kala duwan ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ay ka careysan yihiin inaan laga talo-gelin wasiirada ka imanaya deegaanadooda, halka qaarkoodna loogu daray in lasoo magacaabay rag ay siyaasad ahaan aad isu diidan yihiin, axmed Madoobe iyo Cali Guudlaawe ayaa dhaliilsan inaan wax talo ah laga siin xubnaha matalaya deeganadooda, halka Saciid Deni, Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ay usii dheertay in xilal sare loo dhiibay siyaasiyiin aysan is arki karin, qoor qoor ayaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka looga dhigay wasiirkii hore ee amniga maamulkiisa Axmed Macallin Fiqi, oo ah nin ay dagaal ku kala tageen, oo aad uga weerarayey warbaahinta tan iyo markii uu xilka Galmudug ka tegay halka Lafta-gareen wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta looga dhigay Mukhtaar Roobow, oo aad uu uga cabsanayey in xabsiga laga soo daayo, iskaba daa in laga dhigo wasiir Federaal. 

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.