Sidda ay Ogaatay warbaahinta qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyadda iyo beesha Caalamka ayaa ku shiraya Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Madaxda Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaa lagu waddaa maalmaha soo socda in ay beesha Caalamka kula jiraan Magaalada Nairobi.
Madaxweynayeyaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu waddaa in ay u ambabaxaan Magaalada Nairobi, waxaana hadda halkaasi ku sugan Madaxweynaha Galmudug.
Kulankaan ayaa waxaa martigaliyay Beesha Caalamka, waxaana looga hadli doonaa Khilaafka dowladda dhexe iyo Madaxda maamul goboleedyadda.
Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu fashilmay Shirkii magaalada Garowe ay ku yeesheen Madaxda maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.