Home Arrimaha Bulshada Maandooriye lagu soo qariyay dhalooyinka caanaha oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Nairobi

Maandooriye lagu soo qariyay dhalooyinka caanaha oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Nairobi

262
0

Booliska dalka Kenya ayaa ku qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta haweeney u dhalatay dalka Nigeria oo wadatay maandooriyaal lagu soo qariyay dhalooyinka caanaha.

Ms Okoye oo ah 25 jir u dhalatay dalka Nigeria ayaa dooneysay inay u dhoofto dalka Talyaaniga balse Booliska baara maandooriyaasha ayaa ku dabajirey haweeneydan.
25kii bishan Februay ayaa sidoo kale garoonka diyaaradaha JKIA lagu qabtay maandooriye la doonayay in loo dhoofiyo dalka Guinea.

Sida uu sheegay mas’uul ka howlgala garoonka diyaaradaha JFIA, Maandooriyaha ayaa la sheegay in lagu soo qariyay qalab loogu talogalay dayactirka matoorada.
Kumanaan ruux oo Kenyan ah ayaa qabatimay isticmaalka daroogada iyadoo boqolaal ruux loo qabtay isticmaalka daroogada ama maandooriyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here