Home Wararka Gudaha Maamulka Somaliland oo jawaab adag ka bixisay warqad Soomaaliya faafisay

Maamulka Somaliland oo jawaab adag ka bixisay warqad Soomaaliya faafisay

147
0

Axad 4-ta September 2022,(Hargeysa-Xog-ogaal) Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay warqad ay dawladda Soomaaliya ku baahisay baraha bulshada, taa soo ay ku shaxeysay qoondada ay maamul-goboleedyadeeda ay maamusho ugu qaybisay deeq waxbarasho oo ay ka heshay dawladda Masar, isla markaana ku dartay liiska magaca Somaliland, sida lagu muujiyey shaxda qoondada ah ee ay baahisay xukuumadda Muqdisho, ayaa waxa lagu sheegay in deeqdaas waxbarasho Somaliland  ka heshay 25 qof, taas oo ay kala siman tahay saami ahaan maamulada Puntland, Banaadir iyo maamul-goboleedyada kale ee hoos-yimaada.

Somaliland ayaa caddaysay in maamulka Soomaaliya arrintaasi ugu kacay qorshe la’aan iyo siyaasad-xumo, isla markaana xukuumadda Somaliland haba-yaraatee aanay ka dalban, kana doonayn, danna aanay ka gelin kaalmo waxbarasho oo Soomaaliya loo soo mariyo, hore iyo dibna aanay taasi u dhicin, Somaliland-na adduunka toos ugala xiriiro wixii ku saabsan  iskaashiga arrimaha waxbarashada, wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska C/xakiim Siciid Muuse (Bustaale) oo ugu waramay warbaahinta dawladda, ayaa wax laga xumaado iyo siyaasad-xumo ku tilmaamay warqada lagu faafiyey barahaha bulshada ee ka soo baxday Soomaaliya.

“Runtii waxaan u aragnaa warqadaasi qorshe la’aan iyo siyaasad xumo maamulka Muqdisho ka jirta. sideedaba Somaliland iyo dowladda Soomaaliya waa laba dawladdood oo kala madaxbannaan. waa laba dal oo jaar ah. deeqaha waxbarasho ee Somaliland u baahan yahay ma aha kuwa Somaliland ka martiyeyso ama marti cid u ah maamulka Muqdisho, Somaliland deeqaha waxbarasho waxay toos ugala xiriirtaa dunida oo ay heshiisyo ka wada galaan dowladaha iskaashiga waxbarasho ka dhexeeyo, hadday noqoto deeqaha waxbarasho iyo hadday noqoto fursadaha kaleba ”ayuu yiri.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.