Home Wararka Gudaha Maamulka Puntland oo beenisay in 12 degmo ay ka qabanayso doorashooyinka

Maamulka Puntland oo beenisay in 12 degmo ay ka qabanayso doorashooyinka

113
0

Sabti 1-da October 2022, (Garowe-xog-ogaal) Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay in barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod lagu koobay 12 degmo oo keliya, wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Maamulka Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa sheegay in aysan waxba jirin wararka ku saabsan in 12 degmo laga qabanayo qof iyo cod.

Cabdiweli Mire ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay mas’uul ka tahay barnaamijkan islamarkaana aysan macquul ahayn in 12 degmo lagu koobo doorashooyinka,sidoo kale wuxu beeniyay in wasiirkii hore ee Maaliyadda Maamulka Puntland Xasan Abgaal iyo madaxweyne Siciid Deni isku khilaafeen arrintaas.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.