Sabti 2-da April, (Baydhabo-xog-ogaal) Maamulka Koonfur Galbeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabada uu qaaday guddoomiyaha guddiga doorashada Soomaaliya liiska barlamaanka uga reebay kuraas laga soo doortay Koonfur Galbeed, koonfur Galbeed ayaa tallaabadaas ku tilmaamtay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka.
“Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay koonfur Galbeed.
Koonfur Galbeed waxay sheegtay inay xoojinayso in la dadajiyo dhaarinta iyo guda galka doorashooyinka, waxayna ka digtay tallaabooyinka lagu dheereysanayo muddo xileedka kaasoo ay ka shaqeynayaan qaar kamid ah xafiisyadii loo igmaday inay hawshan si hufan usoo gabagabeeyaan, Saddexda xildhibaan ee laga reebay liiska barlamaanka Soomaaliya waxay kala yihiin, Maxamed Cali Xasan, Isxaaq Cali Subag, iyo Sareeda Maxamed Cabdalla.