Home Wararka Gudaha Maamulka Hirshabeele oo xalliyay colaad ka jirtay Degmada Matabaan

Maamulka Hirshabeele oo xalliyay colaad ka jirtay Degmada Matabaan

135
0

Arbaco 17-daAugust 2022, (Mataban-xog-ogaal) Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehlinayeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo degaanno ka tirsan ay ka socdaan hawlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Guddoomiyaha iyo Xildhibaannada weheliya ayaa xal ka gaaray dilal ay sababeen Anooyin qabiil oo muddooyinkii danbe ka socday duleedka degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya, waxgaradka degaanka ayaa u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qayb qaatay xallinta colaadan gaar ahaanna waxay ugu mahad celiyeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo xildhibaannada heer Federaal.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.