Home Wararka Gudaha Maamulka Gobolka Gedo oo kahor yimid Guddigii uu Ra’isul Wasaare Rooble magacaabay

Maamulka Gobolka Gedo oo kahor yimid Guddigii uu Ra’isul Wasaare Rooble magacaabay

165
0

2 Maarso, (Garbaharey-xog-ogaal) Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baaris iyo qiimeyn ku sameeya suurto galnimada in doorashada xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka ka dhici karto magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Guddiga Ra’isul Wasaare Rooble magacaabay waxaa durba kahor yimid oo caqabad kunoqon kara maamulka gobolka Gedo ku magacaaban ee taabacsan dowladda federaalka gaar ahaan xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Bulle Gareed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolka Gedo iyo shacabkaba aysan ku qanacsaneyn guddiga qiimeynta uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in aysan ku qanacsaneyn guddiga uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble oo ay ogyihiin natiijada ay soo saari doonaan, waxa uuna rejo xumo ka muujiyay in wax wanaag ah oo ay ku qancaan guddigaasi la imaan karaan.

Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa cadeeyay waxii dhib ah ee ka dhasha guddiga Ra’isul Wasaare magacaabay hadii ay tagaan magaalada Garbahaarey in masuuliyadeeda qaadi doonto cidii soo dirtay, hadalkan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa caqabad ku noqon kara dadaalada uu wado Ra’isul Wasaare Rooble iyo guddigii uu dhawwaan u magacaabay in ay tagaan Garbahaarey qiimeyna ku sameeyaan in doorasho halkaasi ka dhici karto.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.