Home Wararka Gudaha Maamulka Galmudug oo amaro Adag kasoo saaray Amniga

Maamulka Galmudug oo amaro Adag kasoo saaray Amniga

89
0

Axad 21-da August 2022, (Dh/mareeb-xog-ogaal) Maamulka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Amarro adag kasoo saaray Amniga Guud ee Caasimada  Magaalada iyo sidii loo adkeyn lahaa, kuwaas oo ku socda dadka Shacabka ah, amarka kasoo baxay Maamulka oo uu Warbaahinta u akhriyay mid kamid ah mas’uuliyiinta Maamulka ayaa waxaa kamid ahaa.

In Magaalada ay mamnuuc ka tahay in lagu dhex wato Gaari leh Bensal ama muraayadaha madow, sidoo kalena dadka iibsanaya Gaadiid cusub ay laamaha Amniga kusoo wargeliyaan, sidoo kale waxaa uu sheegay in qof walba uu soo galaya ama ka baxaya Magaalada Dhuusamareeb la hubin doono, isaga oo dadweynaja ugu baaqay inay iska hubiyaan dadka ay guryaha ka kireysanayaan.

Amarkaan la xiriirka adkeynta Amniga ee kasoo baxay Maamulka Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya xilli Magaalada Muqdisho uu ka dhacay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Xayaat, kaas oo dad badan ku dhinteen.

URL List

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.