Home Wararka Gudaha Maamulka G/Banaadir oo ku dhawaaqay in dibadbax aan la soo ogeysiin la...

Maamulka G/Banaadir oo ku dhawaaqay in dibadbax aan la soo ogeysiin la qaban karin

179
0

(Mogadishu-xog-ogaal) Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta sugida amniga Caasimadda kaas oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaal.

Shirkan oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ayaa inta uu socday waxaa aad loo falan qeeyay sidii loo xalin lahaa caqabadaha kajira dhinaca amniga iyo la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa shirka kadib Warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay sidii amniga Caadimadda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn karo.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray  Gudoomiye Cali yare Cali in Maamulka gobolka banaadir uu u madax banaan yahay ammaanka Caasimadda ayna ku fara adeegno, wuxuuna si cad u sheegay in aan amuqdisho lagu qwban karin banaanbax aan fasax looga heysan Maamulka Gobolka Banaadir.

Warkaan kasoo yeeray Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay ku dhawaaqeen qaar kamid Xubnaha mucaaradka in Maalinta khamiista ah ay Muqdisho ku qabanayaan banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.