Home Wararka Gudaha Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta doorashadooda...

Lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta doorashadooda ka dhaceyso magaalada Jowhar

166
0

(Jowhar-xog-ogaal) Waxaa Maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar lagu qabto doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11 ee dalka, kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

Guddiga maamulaya doorashada Hishabeelle ayaa soo gabagabeeyay Shalay galinkii dambe diiwaan gelinta Musharaxiinta ku tartameysa dooaahada lixda kursi ee maanta lagu dooran doono Jowhar.

Kuraasta Maanta la dooan doono ayaa waxaa ka mid ah HOP 005,  oo uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Maxamed Cumar Ceeymooy, waxaana Maanta kula tartami doona, Maxamed Cumar Cali.

Kursiga HOP 033, oo uu ku fadhiyo Yuusuf Ibraahim Afrax Kabaale ayaa waxaa ku tartamaya Maanta Maxamed Xuseen Sabriye iyo Yuusuf Ibraahim Afrax Kabaale, kursigaan ayaana maalmahii ugu dambeeyay si weyn cabashadiisa loo dareemayay ayadoo madaxweynaha Hishabeelle lagu eedeynaayay inuu shaqsi u xiray kursiga beesha Kabaale Wacbuudhan.

Kursiga HOP 052, oo ay ku fadhisay afarrii sano ee lasoo dhaafay Farxiyo Maxamuud Dhaqane, waxaana kula tartami doonta Faadumo Yuusuf Cumar, kursiga HOP 088, oo ay ku fadhiso Dahabo Suusow Maxamuud, waxaan Maanta kula tartami doonta Jamiilo Maslax Buloow.

Kursiga  HOP 097 oo ay ku fadhisay dhowrkii sano ee la soo dhaafay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaa Maanta kula tartamaya Hodan Maxamuud Xersi, Kursiga HOP 098 oo uu ku fadhiyay afartii sano ee dhamaatay Maxamuud Maxamed Jimcaale, waxaa Maanta kula tartami doona Musharax Haashim Odawaa.

Doorashada Maanta ka dhaceysa Jowhar ayaa kuraastii ugu horreeysay ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad oo maamulka Hirshabeelle uu qabto, waxaana isa soo taraayay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay cabashada laga muujinaayo doorashada Jowhar ka dhaceysa oo lagu sheegay in dad gaar ah loo xiray, islamakaana kuwa la tartamaya lagu tilmaamay kuwa la keensaday oo malxiisayaal ah.

URL List

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.