Home Wararka Gudaha Laba qof oo xalay oo lagu dilay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir..

Laba qof oo xalay oo lagu dilay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir..

251
0

(Mugadishu-Xog-ogaal) Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa xalay degmada Dharkeenley ku dishay laba qof oo mid ka mid ah ay Haweeney aheyd, kuwaasoo si weyn looga yaqaano degmada.

Dilka waxa uu si gaar ah uga dhacay nawaaxiga Daarta Xaaji Gaaboow ee xaafada Mac Macaanka, waxaana dadka la dilay ay ahaayeen laba qof oo Ganacsato ah, iyadoo dhowr xabadood looga dhuftay qeybha sare ee jirka.

Haweeneyda la dilay ayaa la sheegay inay iibineysay Qaad, waxaana xilliga toogashada ka yimaadeen goob ay ku soo Afureen, iyagoo u soo laabanayay halka ay ku ganacsanayeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in kooxdii dilka geystay ay durba gaari yar oo nooca raaxada ah oo ay wateen ay ku baxsadeen, waxaana markii dambe goobta laga qaaday Meydka labada marxuum.

Ciidmaada ammaanka ee Saldhigga Galbeed oo daqiiqado kadib soo gaaray halka uu dilka ka dhacay ayaa sameeyay howlgallo kooban, iyadoo aan la soo sheegin cid lagu soo qabtay howlgalada.

Toogashada xalay ka dhacday degmada Dharkeenley waxa ay ku soo beegantay saacado kadib markii shalay gudaha degmada uu ka dhacay laba qarax oo Miino ahaa, taasoo uu mid kamid ah ku geeriyooday Wiil dhalinyaro ahaa, halka midka kalena uu ka badbaaday Taliyaha Booliska Dharkeenley.

Xog-ogaal Newspaper

Xafiska-Muqadishu

Xog_ogaal@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here